Kusoo dhawoow KULMIS HUB.

Waxaad joogtaa hoyga fursadaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha Somalia, Kenya iyo wadamada bariga Africa.

Halkan waxaad ka heli doontaa Seminars mustaqbalkaaga muhiim u ah, sidoo kalena aqoontaada iyo xirfadaha aad leedahay qeyb weyn ka qaadan doona.

Sidaas si la mid ah waxaad halkan ka heli doontaa fursadaha iyo deeqaha waxbarasho ay ka faa'iideystaan ardayda caalamiga ah oo aan qeyb ka nahay haddii aan nahay ardayda Soomaaliyeed.

Waxa kale halkan ayaan ku baahin doonaa fursadaha shaqo ee ka bannaan hay'adaha maxaliga ah ee ka howlgala dalkeena sida kuwa Qaramada Midoobe, urur goboleedka IGAD, Midowga Africa iyo wixii la mida.

Sidoo kale shaqooyinka aan halkan ku baahin doono waxa ka mid ah kuwo daafaha caalamka kala ah sida Asia, Europe iyo qeybo Africa kamid ah.

About KULMIS HUB

KULMIS HUB waa madal dijitaal ah oo diiradda saarta baahinta fursadaha waxbarasho, seminars, shaqooyin iyo fursado kale oo muhiim u ah dhalinyarada iyo bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan isku dayeynaa inaan hal meel ku soo uruurino fursadaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, si qof kasta uu si fudud uga helo xog ku saabsan fursadaha u furan.

Waxaan baahinnaa:

  • πŸŽ“ Fursadaha waxbarasho ee heerarka kala duwan ee jaamacadaha sida Bachelor, Master iyo PhD, kuwaas oo isugu jira waxbarasho lacag ah iyo deeqo waxbarasho.
  • 🎀 Waxaan baahinaynaa seminaarro ka dhacaya gudaha Soomaaliya iyo kuwo caalamka ka dhacaya, kuwaas oo mararka qaar leh caawimo dhinaca tigidhka, fiisaha iyo gunnooyin kale.
  • πŸ’Ό Waxaan baahinaynaa fursadaha shaqo ee shirkadaha waaweyn dalka, xafiisyada dowladda, hay'adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo wixii la mid ah.
  • 🌍 Sidoo kale waxaan baahinaynaa fursado shaqo oo caalami ah oo laga heli karo dunida inteeda kale.

Ujeeddadeennu waa inaan fududeyno helitaanka xogta fursadaha, isla markaana aan dhalinyarada ku dhiirrigelinno inay ka faa'iideystaan waxbarashada, shaqada iyo horumarinta xirfadahooda.

Aragtideenna

In KULMIS HUB noqoto meel lagu kalsoon yahay oo laga helo xog iyo fursado waxbarasho, shaqo iyo horumarineed oo gudaha iyo caalamka ah.

Hadafkeenna

Inaan bulshada siino xog faa'iido leh, fudud oo la fahmi karo, isla markaana aan dadka ku hagno meelaha rasmiga ah ee fursadaha laga codsan karo.

Deeqaha Waxbarasho

Fursadaha waxbarasho iyo deeqaha waxbarasho ayaa halkan lagu soo bandhigi doonaa marka la geliyo. Waxaad marka hore dooran kartaa qaaradda, kadib waddanka iyo fursadda.

Seminars

Fursadaha Shaqo

πŸ’Ό Caawinta Codsiga Shaqada:
Link-ga shaqada waan soo dhigi doonaa. Haddii aad rabto in KULMIS HUB si gaar ah kuugu sameeyo codsiga, nala soo xiriir si aan kaaga caawino. Ogow: adeeggan waa lacag. Qiimuhu fixed ma aha; adeegga iyo qiimaha waxaa lagu heshiinayaa iyadoo ku xiran baahidaada.

Adeegyada

πŸŽ“ Scholarship Application Assistance

Waxaan kaa caawinaynaa raadinta scholarship-ka kugu habboon, fahamka shuruudaha, diyaarinta dukumentiyada iyo habka codsiga.

🏫 University Admission Assistance

Waxaan kaa caawinaynaa doorashada jaamacadda iyo program-ka kugu habboon, iyo diyaarinta iyo gudbinta codsiga admission-ka.

Codsiga: Link-ga jaamacadda waan soo dhigi doonaa. Haddii aad rabto in KULMIS HUB si gaar ah kuugu sameeyo codsiga, nala soo xiriir si aan kaaga caawino. Ogow: adeeggan waa lacag. Qiimuhu fixed ma aha; adeegga iyo qiimaha waxaa lagu heshiinayaa iyadoo ku xiran baahidaada.
πŸ“„ Application & Document Guidance

Waxaan ku siinaynaa hagitaan ku saabsan dukumentiyada loo baahan yahay, sida loo diyaariyo iyo sida loo gudbiyo codsiga.

🌍 Study Abroad Guidance

Waxaan kaa caawinaynaa fahamka fursadaha waxbarasho ee Europe, Asia, Africa iyo qaybaha kale ee dunida.

πŸ’Ό Job & Internship Application Guidance

Waxaan kaa caawinaynaa fahamka fursadaha shaqo iyo internship-ka, iyo habka saxda ah ee loo codsado.

Codsiga: Link-ga shaqada waan soo dhigi doonaa. Haddii aad rabto in KULMIS HUB si gaar ah kuugu sameeyo codsiga, nala soo xiriir si aan kaaga caawino. Ogow: adeeggan waa lacag. Qiimuhu fixed ma aha; adeegga iyo qiimaha waxaa lagu heshiinayaa iyadoo ku xiran baahidaada.
🎀 Seminars & Fursado Guidance

Waxaan kuu soo gudbinaynaa Seminars, workshops, conferences iyo fursado kale oo aqoonta iyo xirfadahaaga horumarin kara.

πŸ“© Adeegyada Admission & Shaqo: Link-ga jaamacadda ama shaqada waan soo dhigi doonaa. Haddii aad rabto in KULMIS HUB si gaar ah kuugu sameeyo codsiga, nala soo xiriir si aan kaaga caawino. Ogow: qaybta codsiga gaarka ah waa adeeg lacag leh. Qiimuhu fixed ma aha; adeegga iyo qiimaha waxaa lagu heshiinayaa iyadoo ku xiran baahidaada.

Nala Soo Xiriir

Qaanuunka Asturnaanta

KULMIS HUB waxay ixtiraamaysaa asturnaanta dadka isticmaala website-kan. Waxaan ururin karnaa oo keliya xogta aad si toos ah noogu soo gudbiso, sida magaca, email-ka iyo fariinta aad ku soo dirto foomka xiriirka.

Xogtaas waxaa loo isticmaalaa oo keliya in lagula soo xiriiro, laguna fahmo codsigaaga. Ma iibinno mana kirayno xogtaada shaqsiyeed.

Website-kan wuxuu sidoo kale kuu gudbin karaa bogag rasmi ah oo ay leeyihiin jaamacado, hay'ado ama adeegyo kale. Marka aad website kale booqato, waxaa ku khuseeya siyaasadda asturnaanta ee website-kaas.

Waxaan qaadi doonaa tallaabooyin macquul ah oo lagu ilaaliyo xogta aad nala wadaagto. Haddii aad qabto su'aal ku saabsan asturnaanta, nagala soo xiriir bogga Nala Soo Xiriir.

Shuruudaha iyo Xeerarka

Markaad isticmaasho KULMIS HUB, waxaad oggolaanaysaa inaad u isticmaasho website-kan si sharci ah oo masuuliyad leh.

Macluumaadka fursadaha: Waxaan dadaalnaa inaan bixino xog sax ah oo waxtar leh, laakiin shuruudaha, taariikhaha, khidmadaha iyo go'aamada jaamacadaha ama hay'adaha way is beddeli karaan. Had iyo jeer ka hubi bogga rasmiga ah ka hor intaadan codsan.

Xiriirrada dibadda: Qaar ka mid ah links-ka website-kan waxay kuu gudbinayaan bogag kale. KULMIS HUB mas'uul kama aha waxyaabaha ama siyaasadaha website-yadaas.

Isticmaalka qoraallada iyo sawirrada: Ha nuqulan ama dib u qaybin waxyaabaha KULMIS HUB adigoon haysan oggolaansho marka oggolaansho loo baahan yahay.